wasiir Maareeye Oo kahadlay Madaafic Maanta lagu Weeraray Madaxtooyada Somaaliya

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshaddaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa ka hadlay Hoobiyeyashii maanta kusoo dhacay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Ganacsiga.

Wasiirka ayaa sheegay in uu jiro Khasaare burbur ah oo soo gaaray Xafiis ka mid ah Wasaaradda oo hal Hoobiye kusoo dhacay, waxaana uu sheegay in taasi aysan dib u dhigi doonin rajadda lagu hormarinaayo Wasaaradda.

“kooxaha argagixisada iyo nabad diidku dib uma celin karaan rajada aynu ka qabno in aynu helno Nabad iyo Nolol fiican, waxay doonayaan in ay rajo beel inaga dhigaan oo hakiyaan horumarka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo yididiilada jirta, ka yeeli mayno waana la ciqaabi doonaa argagixisada insha allah” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid xilli Madaxtooyadda Soomaaliya hoobiyeyaal maanta ay ku weerareen Al-Shabaab kuwaasoo kula  dhacay  Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliya.