Dagaal Ka dhacay G/Shabeelaha hoose

Ciidamada dowladda Somalia iyo Alshabaab ayaa ku dagaalamaya deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha hoose,kadib markii Shabaabku ay soo weerareen fariisimo ciidamadu ay ku lahaayeen duleedka Afgooye.

Alshabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhiga ciidanka dowladda ee deegaanada Sabiib iyo Caanole waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoog leh oo dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayay laga maqlayay deegaano ka fog.

Dagaalkaa oo socda dhowr saacadood waxaa guulo ka sheegtay saraakiisha dowladda oo tilmaamay in ay ka hor tageen weerar gaadma ah oo lala maagnaa saldhigaas.

Dhinaca kalana Alshabaab ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in ay dagaalkaas ku dileen askar ka tirsan dowladda oo ku sugnaa deegaanada la weeraray laakiin maysan sheegin khasaaraha iyaga soo gaaray.