Garoonka Magaalada Beledweyne Oo Xirmay

Wararka laga helayo Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in uu gebi ahaanba xiray Garoonka diyaaradaha Magaladaas.

Labadii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in garoonka diyaaradaha Baladweyne uusan Shaqeyn kadib markii Daad kusoo rogmaday Garoonka ay xireen, kadib Roobkii guga oo ka da’ay Magalada baaldweyne iyo deegaano hoostaga.

“Runtii roobkii guga daadad uu watay iyo Carro ayaa xiray Garoonka diyaaradaha Baladweyne maalmahaan ma aheyn mid Shaqeeya,qofkii Xamar u socda Gaari ayuu Guriceel ku tegayaa si uu Diyaarad uga soo raaco ayuu yiri qof ka mid ah dadka reer Baladweyne.

Sanad kasta marka la gaaro xilligaan oo kale ayaa waxaa gebi ahaanba xirma garoonka Diyaaradaha Magalada baladweyne oo aan wax diyaarad ah kusoo deign,kadib markii ay galaan biyo farabadan markii uu roobka ka da’o halkaasi.