Muuse Biixi oo Maanta la kulmay Wufuud Heer Caalami ah

Madaxweyne Somaliland oo Kulamo La Qaatay Wufuudii Kala Duwanaa ee Dalalka Dibadda Uga Yimid Ka Qaybgalay Munaasibaddii 18-ka May

Madaxweynaha Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulamo kula yeeshay wufuud kala duwan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo diblomaasiyiin, kuwaas oo ka qayb-galay munaasibadda 18-ka May ee 28-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland sheegtay inay ka Go’day Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kulan gaar ah la qaatay wufuud ka kala socota dalalka Kenya, Yugaandha iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo ka mid ahaa wufuudii ka soo qayb-galay munaasibadda Dabbaal-degga 18-ka May, wuxuuna uga mahadnaqay ka qayb-galkooda munaasibadii 18 May, isaga oo ku bogaadiyey inay xil weyn iska saareen sidii ay shacabka Somaliland ugala qaybgeli lahaayeen maalinta farxaddooda.

Xubnaha wefdiga ka socda dalka Yugaandha, Keniya iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinacooda madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo hambalyooyin ay shacabka Somaliland uga sidaan masuuliyiinta dalalkooda, kuwaas oo uu madaxweynuhuna si kal iyo laab ah uga gudoomay.

Wufuudda kala duwan ee ka kala socota dalalka caalamka ee uu madaxweynuhu la kulmay, ayaa dhankooda caddeeyey in imaanshiyahoodu marag u yahay sida ay beesha caalamku ugu kalsoon tahay Dimuqraaddiyada iyo dawladnimada ka hana qaadday Somaliland.