Al-Shabaab Oo Sheegay in Ay Lawareegeen Saldhig Ay gacanta Ku hayeen Ciidamada Dowlada

Kadib markii xalay degmada Waajid ee Gobolka Bakool uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ayaa waxaa dagaalkaas war kasoo saaray Ururka Al-Shabaab.

Qoraal ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegen in ay la wareegeen Saldhiga Koonfureed ee Ciidamada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degmada Waajid,sidoo kalena ay  Ciidamada ka qabsadeen hub farabadan.

Sidoo kale waxaa Al-Shabaab ay sheegteen inay weerarkaasi ku dileen  5 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,hayeeshee majiraan Warar Madax banaan oo xaqiijinaya Sheegashada Al-Shabaab.