Ciidamo itoobiyan ah oo lawareegay Garoonka Magaalada Kismaanyo

Wararka ay warbaahintu ka heleyso Magaalada Kismaayo ee Caasimadda maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Itoobiya ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacanta ku heynta Garoonka Diyaaradaha Kismaayo,kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadii dowladda Kenya ee halkaasi in muddo ah ku sugnaa.

Wararka intaasi ayaa waxaa ku darayaan in Saraakiisha  Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Kismaayo ay kulamo ka qaateen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,isla markaana ay kala hadleen arrimo kala duwan oo ku aadan sugida amniga Garoonka.

Dhawaan ayay aheyd markii gudaha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ay Israsaaseyn xoogan ku dhexmartay Ciidamo Ilaalo ka ahaa Garoonka iyo kuwo la socday Cabdi Naasir Seeraar oo ka mid Musharaxiinta u tartameysa qabasha xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.