Degmada Guriceel Oo Maanta Laga Xusay 17 Ramadaan

Degmada Guriceel ayaa maanta Waxaa lagu Qabtay Xuska 17 Ramadaan Oo ah Maalintii Ay Geeriyooden Shuhadadii Ahalusuna Waljamaaca Uga Geeriyootay Dagaalkii Ay lagaleen AlShabaan.

Ciidamada ayaa dhoolatuskooda kasoo bilaabay Xeryaha Ciidamada ee duleedka degmada guriceel waxaana ay siwadajir ah u soo mareen Bartamaha xaafadaha Degmada ,iyada oo ay daawanayeen dadweyne ka kala yimid Xaafadaha degmada.

Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Aas’aasayaashii Culimada Ahlusunna ayaa ka qeyb galay dhoolatuskaas,waxaana ay khudbado dardaaran ah u jeediyeen Ciidamadii dhaalatuska Sameeynayay.