Kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ay soo saartay habraaca Guud ee doorashada Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa kasoo horjeestay Maamulka Hir-Shabeelle oo noqday Maamulkii labaad ee qaadaca.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa walaac looga muujiyay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha gudaha,waxaana lagu sheegay in habraacaas uu yahay mid baalmarsan nidaamka federaalka iyo midka dimuqraadiyada.
Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay ka hor-imaaneyso Dastuurka Federaalka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla.
Maamulka Galmudug ayaa si la mid ah uga soo horjeestay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya kasoo baxay,iyada oo weli wax jawaab ah aysan ka bixin Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.