Askari Katirsan Ciidanka dowlada Oo lagu dilay Muqdisho

Koxoo hubeysan ayaa waxaa ay agagaarka Busteejada daalo ee degmada Howel-wadaag ee Gobolkan Banaadir ku dileen askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya,iyaga oo intaasi kadib Goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in raga hubeysan ay qeybaha sare ee jirka dhowr xabadooda kaga dhufteen askariga oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilli uu ku jiray howshiisa Shaqo ee caadiga ah.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta gaaray,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka askariga,waxaana sidoo kale ay halkaasi ka sameeyeen howlgal baaritaano ah oo aan weli cid lagu soo qaban.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilalka loo geysto askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,waxaana mas’uuliyadda dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.