Askari Muqdisho dil ugu Geystay Wade Gaari

Askari la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu mid ka mid ah darawalada Gaadiidka dadweynaha uu ku dilay Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan,iyada oo dilka kadib uu goobta ka baxsaday.

Mid ka mid ah dadka Gobaha Ganacsi ku leh Xaafada Seybiyaano ayaa warbaahinta u sheegay in dilka uu yimid,kadib markii wadada oo ciriiri farabadan uu ka jiray ay wada murmeen darawalka iyo askariga lu sugnaa Bar-koontorool oo gawaarida lagu baaro,balse askariga oo darawalkii xabad ku dhuftay.

Darawalka Gaadiidka dadweynaah ee Maanta la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo koobay(Laangeel)sida ay sheegeen dad yaqaanay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tegay goobta,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka Darawalka Gaadiidka dadweynaah ee la dilay,waxaana isla goobta ka baxsaday askari dilka geystay.

Magalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka ay askarta dowladda u geystaan Darawalada Mooto Bajaajta,hayeeshee Maanta la dilay mid ka mid ah darawalada Gaadiidka dadweynaha.