Deegaanada Maamulka Galmudug Oo Maanta Laga Soomanyahay

Iyada oo Maanta ay ku beegantahay Maalinta 1-aad ee Ciidul Fitriga,isla markaana Ummadda Muslimiinta ah ay wada ciidayaan ayaa waxaa jira deegaano ka mid ah Soomaaliya oo Maanta laga sooman yahay.

Deegaanada Maamulka Galmudug oo ay gacanta ku hayaan Ahlusunna ee ku biiray Galmudug aan maanta laga ciideyn,isla markaana laga sooman yahay.

Deegaanada Aan laga soomaneyn waxaa kamid ah, Dhuusamareeb guriceel iyo tuulooyin hoosyimaada

Saanadka kasta marka ay curado Bisha Ramadaan ayaa deegaanada Galmudug oo ay maamulaan Ahlusunna waxaa ay hal maalin ka dambeeyaan Gobolada kale ee Soomaaliya si la mid ah Maalmaha kale ee Maalinta 1aad ee Ciida ay iyana sooman yihiin.