Madaxweynaha Koofur Galbeed Oo hanbalyo udiray Shacabka Maamulkaasi

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hambaliyo ku aadan Munaasabada Ciidul Fidriga u direy Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoona Alle uga baryay in sanadkan sanadka xiga Bash Bash iyo Barwaaqo ku gaarsiiyo.

Dhanka Kale Madaxweyne C/Casiis aya bogaadiyay sida Ciidanka Habeen iyo Maalin ay ugu taagan yihiin Sugida Amniga si shacabka Nabad ugu cibaadeystaan,waxaana uu ka dalbaday inay Amniga sii adkeeyaan.