Ciidanka Poliiska Puntland Oo Amaro Ku Soo rogay Shacabka Deganadaas

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saray digniin ku socota dadka ku nool deegaanadaas Maamulkaas,iyada oo looga digay inay xiriir la yeeshaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in uu digniin u dirayaan dadka Guryaha iyo goobaha Ganacsi ka kireynaya xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish ee dagaalka kula jirto Puntalnd.

Waxa uu sheegay in Goobahaas Ganacsi iyo Guryaha laga kireeya Al-Shabaab iyo Daacish la bur burin doono,isla markaana Maamulka Puntland uu la wareegi doono.

“Ma aqbaleyno in Guryo iyo goobo Ganacsi laga kireeyo Shabaab & Daacish,cidii ka kireysa Guryahooda cagaf ayaa la gelinayaa,waxaana ka dhigeynaa Barxado ay Carruurta ku ciyaaraan banooniga,anaga ma dooneyno Burcad diimeed ayuu yiri Janeraal Muxudiin Axmed Muuse.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay inay hayaan xogo badan oo ku saabsan dad laga kireeyay guryo iyo Goobo Ganacsi dhawaana soo bandhigi doonaan,waxaana uu u digayd ad uu sheegay in ay daba socdaan dad loo xiray inay ka tirsan yihiin Shabaab & Daacish.