Gudoomiye Cusub Oo loo Magacaabay G/hiiran

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare waxaa Xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan looga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, waxaana xilkaas loo magacaabay Cali Maxamed Caraale.

Gudoomiye Dabageed ayaa shalay eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Hirshabeelle oo uu sheegay in uu ku fashilmay maamulida degaanada maamulka hirshabeelle.

Gudoomiyaha cusub ee Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa si weyn uga agdhow Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana uu ka mid ahaa wafdigii la socday Markuu Beledweyne taga

Madaxweyne Waare oo wax ka yar labo sano xilka haayay ayaa ku dhawaad 3 Gudoomiye u Magacaabay gobolka Hiiraan.