Taliska Ciidanka Bashiir Cabdi Maxamed Oo digniin udiray Shacabka Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa Shacabka ku nool Magalada Muqdisho & Guud ahaan Soomaaliya uga digay inay Guryahooda ka kireeyaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee qaraxada iyo weerarada ka fuliya Magalada Muqdisho.

Waxa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed  inay siweyn ula Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka,isla markaana ay qaataan digniinta ah in aysan ogolaan in guryaha ay ka kireeyaan Al-Shabaab.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dejisay qorsho cad,isla markaana ay dagaal kula jirto Al-Shabaab,shacabkana looga baahan yahay inay soo wargeliyaan ciddii ay ka shakiyaan.

Tira ka dhowr jeer ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay digniin kasoo saartay dadka Guryaha ka kireeya Xubnaha  ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee aan weli Maxkamad lasoo taagin dad ku eedeysan inay guryo ka kireeyeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.