Madaxweyne Dani Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Abwaan Sangub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Abwaankii Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise ( Sangub ) oo Maanta ku dhintay Isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa Tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoskii uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise ( Sangub ), waxaana uu Alle ‘SWC’ uga baryey Marxuum ka inuu dembigiisa dhaafo, kuna Abaalmariyo Janatul Fardawsa.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madxweynaha Puntland ayaa u qornaa sidan.

Dowlad Goboleedka Puntland waxay ka Tacsiyeynaysaa Geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise ( Sangub ) oo kamid ahaa dadkii kaalinta weyn kasoo qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed, kana mid ahaa Abwaanada ugu horeeya hal-abuurka suugaanta wadan jacaylka iyo qaran toosinta ku dhisan, Alle ha u naxariistee Abwaanku wuxuu ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa uga tacsiyeey shacabka Soomaaliyeed, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoskii uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise ( Sangub ), waxaana uu Alle ‘SWC’ uga baryey Marxuum ka inuu dembigiisa dhaafo, kuna Abaalmariyo Janatul Fardawsa, Samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummaad Soomaaliyeed.