Maamulka Degmsda Garbahaarey Oo digniin Udiray Odayaasha dhaqanka

Maamulka degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa digniin culus waxaa uu u diray qaar ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka eek u sugan degmadaas hadii ay aqbalaan  amar dhawaan kasoo baxay Ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhawaan ku amray Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka & kuwa Maamul goboleedyada in mudo 45 Cisho gudahood ah ay ku tagaan deegaanada ay maamulaan,isla markaana ay kasoo laabtaan qalad ay ku dhaceen si loo cafiyo waa sida ay hadalka u dhigeene.

Guddoomiye kuxigeenka degmada Garbahaareey Aadan Siraad Maxamuud ayaa sheegay inaysan wax axsaan ah u fali doonin dadka qaata awaamiirta Al-Shabaab  ama u hoggaansama, ha ahaadaan kuwa Dhaqaalo u geeya ama hub ku taageera.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in cid alaala cidii aada deegaanada Al-Shabaab ee la macaamiisha in aan laga aqbali doonin,isla markaana tallaabo Sharci ah laga qaadi doono.

Taliyaha Amniga degmada Garbahaareey Cabdi Xakiin Maxamed Cumar ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in Al-Shabaab xilligaan uu kala dhaxeeyo dagaal xoogan,isla markaana odaygii ama shaqsi kasta ee la macaamila ay la mid yihiin Al-Shabaab maxkamadna ay la tiigsan doonaan.

Si kastaba Ergadiio soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa soo wajahay caqabado kala duwan iyo hanjabaado uga imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waliba Ururka Al-Shabaab.