Puntland Oo Kahadashay Sababta loo xiray Guddiga dhismaha wadada Boosaaso

Maamulka Gobolka Bari Puntland ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixiyay sababta loo xiray guddiga Dhismaha wadada barmaha Boosaaso oo khamiistii todobaadkii la soo dhaafay lagu xiray Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Guddoomiyaha degmada Boosaaso Cabdi Saalan Bashiir Cabdi Salaan ayaa sheegay in sababta Guddiga loo xiray ay la xiriirto lacag aan sifo sharci ah kusoo gelin Puntland,taas oo lagu wareejiyay Xubnaha Guddiga.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay horay dowladda Soomaaliya ka codsadeen lacago lagu dhiso wadada Bartamaha Boosaaso,hayeeshee qorshuhu uu ahaa in Mas’uuliyiinta Maamulka lacagtaas lagu wareejiyo balse Ra’iisul Wasaare Kheyre uu gacanta u geliyay dad Shacab ah,isla markaana ay dalbadeen in lacagtaas dib dowladda loogu celiyo,hayeeshee guddiga ay sheegeen in qaar ka mid ah lacagta la isticmaalay.

Maamulka Gobolka Bari iyo taliska Booliska oo shir jaraa’id siwadajir ah u qabtay faah faahin intaasi ka dheer kama sii bixin xariga xubnaha ka tirsanaa Guddiga dhismaha wada dhex-marta bartamaha Magalada Boosaaso.

Maalintii Shanaad ayaa Xabsi ku yaalla Boosaaso ay ku xiran yihiin Xubnaha Guddiga dhismaha Wadada Bartamaha Magalada Boosaaso,waxaana xariga Xubnahaas cambaareeyay inta badan Bulshada ku nool deegaanada Puntland iyo qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaas.