Gudoonka Golaha shacabka oo lakulmay Madaxweyne Dani

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xalay guriga uu Magaalada Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgalaysa todobaadka Puntland, gaar ahaan 1-da August oo loo dabaaldegayo sanadguuradii 21-aad ee Aasaaska Puntland.