Axmed Madoobe Oo lakulmay Musharixiinta Latartamay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Musharaxiintii ka qayb-galay Doorashada Madaxtinimada Jubbaland 22 Bishan Ogoosto.

Madaxweynaha ayaa musharaxiinta ka dhagaystay aragtidooda iyo wixii fikir ah oo ay ku biirinayaan Geedi socodka Jubbaland ee dhamaan dhinacyada ay khibradaha u leeyahiin.

Musharaxiinta ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay marti qaadka uu ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada iyagoo sheegay in ay la shaqayn doonan Xukuumadda  Cusub ee uu hogaamin doono Madaxweynaha dib loo doortay Mudane Axmed Maxamed Islaam,waxaana shacabka ree Jubbaland meel walba oo ay joogaan ay ugu baaqeen in Xukuumadda Cusub ee Madaxweynahu soo dhisi doono ay garab istaagan.