Madaxweyne Dani Oo kubaaqay in Wada hadalada Somaliland iyo Somaaliya lagu qabto Garowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay Munaasabad lagu qabtay Magalada Garoowe ayaa dalbaday in wada-hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland & Maqaamka Magalada Muqdisho  lagu qabto Magalada Garoowe.

Waxaa uu sheegay in Wada-hadallada Soomaaliya iyo soomalailand ay tahay caqabad kale oo hortaagan Dastuurka Soomaaliya,waxaana uu sheegay in uu ka codsanayo Soomaaliland inay wada xaajood iyo wada-hadal u yimaadaan Garoowe.

Dadka Reer Puntland ayuu ugu baaqay inaysan noqon kuwa doodaha iyo xaaqa ay leeyihiin aysan ka baqin,isla markaana Maamulka Puntland uu diyaar u yahay martigelinta shirar looga hadlayo maqaamka Muqdisho iyo wada-hadallada Soomalaiya iyo Soomaaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday Arrimo la xiriira Maqaamka Muqdisho oo uu sheegay in in badan ay soo noq noqatay doodiisa,waxaana uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in Garoowe looga dodo sidii Magalada Muqdisho ay u yeelan laheyd Maqam u gaara ah.