Ilhaan Cumar Oo Kahadashay Burburinta ciidanka keenya ee Xarunta Hurmuud

Kadib markii ay soo noq noqdeen weerarada Ciidanka dowladda Kenya ay ku burburinayan Xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ay ku leedahay Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa waxaa arrintaas markii ugu horreysay ka hashay Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Koongareyska dalka Mareykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la ilaaliyo hantida shirkadda Hormuud Telecom,isla markaana la difaaco hantideeda.

Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa Xustay in Ciidanka dowladda iyo kuwa nabadsugida Dhowraan oo ay ilaaliyan hantida Hormuud iyo dhammaan Shirkadaha kale ee Isgaarsiineed ee dalka ku yaalla,kuwaasi oo bixiya adeegyo muhiim ah.

”Dowladda Somalia iyo Ciidamada Nabad Ilaalintu waa inay dhowraan (hantida) shirkadda Hormuud iyo dhamaanba Isgaarsiinta Somalia oo qaaraan wayn u gaysta dhaqaalaha dalka, adeegyo muhim ahna bixiya”ayay tiri Ilhaan Cumar.

Waxaa kale oo ay sheegtay Ilhaan Cumar ”Markii aan Somalia booqday 20011, waxaan la yaabay isbeddelka deg degga ah ee tiknolojiyadda Somalia.” ayay raacisay halkeeda.

Ciidamada Kenya ayaa dhawaan waxaa ay qaraxyo ku burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ay ku laheyd tuulada Caws-Qurun oo ku taalla Gobolka Gedo,iyadoo adeegsaday qaraxyo Miinooyin,waxaana halkaas Shirka uga burburay Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta.

Dhinac kale  Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Wasaaradda, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo.