Xaflad lagu Maamusayay Sanad guuradii 8aad Ee Aas aas kii Radiogalgaduu oo lagu qabtay Degmada Guricel

Xafladan Oo lagu Maamusayay Sanad guuradii 8aad Ee Radiogalgaduu Ayaa Habiin kii Xalay ahaa lagu Qabtay Degmada Guricel.

Ugu horeyn halkaasi Waxaa kahadlay Agaasime Kuxigeenka idaacada Abdul Qadir Guure Barre Waxa Uu na Kashekeyay Marxaladihii Ay idaacada La Soo kulantay intii Ay Shaqeyneysay.

Waxaa Sidoo kale Xaflada Ka Soo qeyb galay Maaamulka Degmada Guricel Oo uu ugu horeyo Gudoomiyaha Degmada Abdulahi Mahamed Barre Beentaa iyo Masuuliyiin Kale iyaga Oo  hanbalyo iyo Bogaadin Udiray Maamulka Idaacada Iyo Shaqaalaha.

Waaa kale Xaflada  Ka Soo Kheyb galay qeybaha Kala Duwan Ee bulsha Sida Maamulada Jamacadaha Maamule Yaasha Iskuulada iyo Khaar kamid ah Ardayda Jamacadaha Dhamaan tood Waa Ay Soo jediyeen Talooyin Wax Ku Ool ah.

Intii Ay Xafladu Socotay Waaa laqaatay baraamish Baqtiyow Nasiib ah waxaana Baramisha Taaba Gelinayay Shirkada Hurmuud iyo Kanbini Yaasha Waayo,arag Barwaaqo Sidoo kale Waxaa jiray Dad idaacadu Si Qaas ah U Amaal Marisay.