Shirka Golaha Wasiirada Koofur galbeed Oo Kafurmay Beydhabo

Shirka  Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay yeeshan Todobaad Waliba ayaa Todobaadkan Waxaa Shirka Shir Gudoomiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen

Shirka ayaa inta uu Socday waxaa uu ahaa mid looga hadlayey Xaaladaha ka jira Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya Waxana inta uu Socday Warbixino laga Dhegeystay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Somaliya

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag ayaa laga Dhegeystay Warbixin ku aadan Amaanka Guud Gobolada Koonfur Galbeed ,waxaana uu sheegey in Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Darawiishta Koonfur Galbeed ay Wadaan Howlgalo ka dhan  Al-Shabaab ee ku dhuumalaysta tuuloyinka Hosyimada Degmooyinka Koonfur Galbeed Somaliya

Sido kale Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay Soo Dhoweynta Wafdiga uu Hoggaaminayo Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyr ee kuso Wajahan Magaalada Baydhabo Sidii looga Qeybqadan lahaa Maalmaha Shaqada uu ujoogo Baydhabo.