Kheyre Oo Mashaaric horumarined Kadhagax dhigay Beydhabo

Ra’Iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre oo uu wehlinayo  Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta waxaa ay sirasmi ah xariga uga jareen Ceel Biyood Lagu Hirgeliyey Duleedka Magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Cabdi Casiis laftagareen ayaa waxaa ay dhagax-dhigeen  Wadada Xariirisa Xaafadaha Berdaale iyo Horseed ee Magaalada Baydhabo taas oo la filayo in dhismo laga bilaabo.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha la filayaa in uu dhaagx-dhigo Xarumo muhiim ah si dhismooyin looga bilaabo,isaga oo intaasi kadib aadi doona degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool.