Jubbland Oo Sheegtay in Ay dacwad ka gudbin Doonto Madaxda Dowlada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa marka hore ka hadlay amaradii xayiraada ahaa ee Dowladda Soomaaliya ay ku soo rogtay Magalada Kismaayo,isaga oo sheegay in tallaabadaas ay dhaliyeen dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa uu sheegay in Shacabka iyo mas’uuliyiinta Jubaland la curyaamiyey,isla markaana ay madaxda Dowladda Soomaaliya kula xisaabtami doonaan xayiraada iyo culeysyada dhibaatooynka sababay ee la saaray Shacabka Jubaland sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam inay diyaarinayaan Galdacwadeed ku saabsan dhibaatooyinkii ka dhashay xayiraada ay Dowladda Federaalka Jubbaland saartay,isla markaana ay kula xisaabtami doonaan Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa xoogeystay bilihii u dambeeyay,waxaana khilaafkaas uu kordhay,kadib markii Axmed Madoobe markale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.