Lamaha Amaanka Jubbland Oo Sheegay in Ay Ku raad jogan dadkii Ka danbeyay Nabadoon Lagu Dhawacay Kismaanyo

Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay Kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Kismaayo ku dhaawacay Mid ka mid ah waxgaradka sidda weyn looga yaqaano degaanada maamulka Jubbaland.Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanka Jubbaland ay waddaan dadaallo lagu doonaayo in gacanta lagu soo dhigo Kooxihii ka dambeeyay dhaawaca loo geystay Nabadoonka.

Waxaa uu sheegay in xaaladdiisa Caafimaad ay hadda wanaagsan tahay , islamarkaana uu ku jiro mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar ayaa  ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland, waxaana uu sidoo kale ka mid ahaa Waxgaradka sidda weyn uga soo horjeediyay Madaxweynaha Jubbaland.