Warbaahinta ugu Ballaaran GALMUDUG

Madaxweynaha Somaliand Oo Shegay in Ay Kabexeen heshiis ay lagaleen imaaradka Carabta

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta shaaciyay inay ka laabteen heshiiskii garoonka diyaaradaha Berbera lagaga dhigayay Saldhig Millateri oo Imaraadka Carabta leeyahay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Saldhigga loo baddalay Garoonka  diyaaradeed ah oo ah mid shacab,isla markaana haatan loo dhisi doono qaab casri ah uuna kamid noqon doono kuwa ugu waa weyn Afrika.

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta”ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu Muuse Biix in Garoonka diyaaradaha Berbera la dhigayo mid ay kusoo dagaan Diaayarado Caalami ah.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay in shirkadda dhisaysa Garoonka ay iman doonto todobaadkan,hayeeshee ma uusan shaacin shirkadda dhisaysa cidda siisay iyo weliba cidda maamulka garoonka gacanta ku haynaysa.

Leave A Reply

Your email address will not be published.