Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday qorsho lagu sameynayo Kaarka aqoonsiga Muwaadinimo

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorsho lagu sameynayo Kaarka aqoonsiga Muwaadinimo,isla amarkaana qorshahaas lasoo geba-gabeyn doono dhamaadka sanadkaan 2019 si loo sameeyo Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka.

Agaasimaaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya ahna Wakiilka Afrika u qaabilsan aqoonsiga Caalamiga ah ee Dr, Nuur Diiriye Xersi (Fuursade) ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaarisay Siyaasada lagu hergilanaayo Kaararka aqoonsiga muwaadinka,isla markaana la horgeeyay golaha fulinta.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Agaasimaha in howsha lagu sameynaayo Kaarka aqoonsiga sanadkaan gudihiisa la soo dhameystiri doono qorshahaasna ay wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana hadii ay hirgasho ay guulweyn u tahay Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa Agaasimaaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xersi (Fuursade) waxaa uu ka sheegay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Aqoonsiga Caalamiga ah oo markii ugu horeysay lagu qabtay Magalada Muqdisho.