Maleeshiyaad dad ku dilay G/hiiran

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay 5 Ruux oo Shacab ahaa ku dileen deegaan duleedka ka ah degmada Matabaan ee gobolkaasi Hiiraan.

Weerarkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Qabno oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Matabaan,waxaana la sheegay in la rasaaseeyay dad Shacab ah oo ku sugnaa Goob laga hirgelinaayay Ceel Biyood

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta ka baxsadeen,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inmaleeshiyaadka dilka geystay ay ka tageen dhinaca degmada Matabaan.

Mid ka mid ah waxgaradka degmada Matabaan ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in dilkaasi loo aaneynayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay u dhaxeeyay beelo ku wada nool deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan & Galgaduud.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan weli kama hadlin dhacdadas lagu dilay dadka rayidka ah,hayeeshee wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan howlgallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadka dilka geystay.