Ciidanka Amaanka Bosaaso Oo Soo bandhigay Wax yaabaha qarxa

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntland oo kaashanaya Ciidamada PSF ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen Qarax Nooca Dhulka lagu Aaso ah,kuwaas oo ay sheegeen in la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo.

Howlgalkaan oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in qaraxyadan ay doonayeen Al-Shabaab iyo Daacish inay ku Aasaan Goob ay dadka isugu yimaadaan oo ku taalla Bartamaha Magaalada Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay hayaan gaarigii ay wateen Ragii Aasi lahaa Qaraxyada,isla markaana ay soo bandhigi doonaan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in wadaan baaritaan ku aadan sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Ragii watay Qaraxaasi Oo Goobta ka Baxsaday si ay u Maxkamadeeyaan.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo raggii waday,iyada oo sidoo kale qaraxyo ka dhacay ay mas’uuliyadooda sheegteen Ururka Al-Shabaab.