Dad looga Shakisan yahay Caronavirus Oo laga helay Hirshabelle

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay xaalada fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus oo kiisas kamid ah laga halay deegaannada Maamulkaas.

Wasiir Caadle oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa waxaa uu sheegay in Hir-Shabeelle ay wajaheyso dhibaatooyin farabadan loogana baahan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan waxka qabashada fatahadaha iyo Cudurka COVID-19

Waxaa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle aysan heysan qalabka lagu baaro Cudurka Coronavirus,sidoo kalena ilaa 12 ruux oo uu ka muuqday Calaamadaha Cudurka ay ku geeriyoodeen deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle ay caqabado badan heystaan,isla markaana saameynta ugu badan ee Cudurka uu ku yeelanayo dadka ka barakacay Magaalada Beledweyne ee haatan ku sugan deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne.