Maamul Cusub Oo loo Magacabay G/gedo

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ,balse dhawaan kasoo baxay Maamulkaas ayaa Wareegto uu soo saaray waxaa uu Maamul ugu Magacaabay Gobolka Gedo.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska wasiir kuxigeenka oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Gedo loogu Magacaabay Cismaan Nuur Xaaji Macalimow oo ahaa sii hayaha xilka Guddoomiyaha

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa loo Magacaabay Maxamed Cali Xuseen oo ah Nin Dhalinyaro ah oo muddo ku noolaa deegaannada Gobolka Gedo.


Halka guddoomiye kuxigeenka labaad loo Magacaabay Nasteex Cabdi Saalax oo isna kamid ah Dhalinyarada Gobolka Gedo.

Magacaabistaan Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli weli uu jiro khilaafka dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana dhamaan degmooyinka Gobolka Gedo ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.