Deegaano lagu dagaalamay Oo Maana lafilayo in uu Shir kafurmo

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Degaanka Taaroge Galbeedka Gobolka Mudug in uu ka furmo Shir u dhaxeeya Mas’uuliyiin ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug,kaas oo lagu xalinayo Colaad ka dhacday deegaankaas.

Mas’uuliyin iyo Waxgaradka ka kala socda labada dhinac ayaa Maanta ka qeyb gallaya dhameystirka heshiskii nabadeed ee Maleeshiyaadkii dhawaan halkaas ku dagaalamay,kuwaas oo dagaalkooda soo laab laabtay.

Maalmaha ka hor ayaa xabad joojin waxaa la kala dhex-dhigay labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamay deegaanka Taaroge oo ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Shirka ayaa waxaa la filayaa inta uu socdo in laga soo saaro qodobo muhiim ah,kuwaas oo xal rasmi ah looga gaarayo Colaad Beeleedyada kusoo laab laabtay deegaanka Taaroge,kuwaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo barakac dadweyne.