Madaxwyeynaha Jubbland oo shir muhiim ah ka daahfuray Kismaanyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta waxaa Magaalada Kismaayo uu ka furay shir lagu heshiisiinayo beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Jubbaland ayaa waxaa goobjog ka ah inta badan Odayaasha Dhaqanka labada beelood ee ku dagaalamay duleedka Galbeed ee Magaalada Kismaayo, Xildhibaano iyo Wasiiro iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Shirkaan oo ah mid lagu soo geba-gabeynayo waan waan laga dhex waday beelaha ku dagaalamay duleedka Kismaayo ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu ugu baaqay Odayaasha labada Beelood inay dhaqan geliyaan heshiiska ay wada gaareen.