Trump oo dib u dhigaya Shirka G-7

Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay sheegay, in uu baajinayo shir-madaxeedka dalal la isku yiraahdo G-7 ee ugu horumarsan xaga dhaqaalaha marka loo fiiriyo dalalka kale ee dunida.

Shirkaan ayaa lagu waday in Mareykanka uu marti-geliyo dhamaadka bisha June ee soo socota, hase yeeshee madaxweyne Trump ayaa isaga oo saran diyaaradda Air Force One ee qaadda madaxweynaha u sheegay wariyaal la safrayay, in shirka uu dib ugu dhigayo bisha September.

Madaxweynaha oo kasoo laabtay gobolka Florida kuna soo jeeday magaaladan Washington D.C ayaa Kooxda G-7 ku tilmaamay koox aanan casri aheyn, sidaasi daraadeed uu kusoo darayo dalal cusub oo kala ah Australia, Russia, South Korea iyo India.

Kooxda G-7 ayaa ka kooban dalalka Mareykanka, Canada, Fanarsiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan.