Madaxweyne Qoor Qoor Oo Shir muhiim ah uga dhawaaqay Balanbale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay ku hoyday degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa halkaasi waxaa uu kaga dhawaaqay in la qabanayo Shir dib u heshiisiin ah.

Madaxweyne Qoor Qoor waxaa uu sheegay in degmada Balanbale ay qeyb ka noqon doonta degmooyinka Galmudug ee loo qorsheeyay in laga fuliyo mashaariicyo kala duwan,isla markaana la dhigi doono shir lagu heshiisiinayo beelaha kala duwan ee dega degaannada Galmudug.

Waxaa uu hadalkiisa intaas uu ku daray in marnaba aan la ogolaan doonin isku dhacdyada beelaha dhexdooda ah,isla markaana taasi ay soo dhamaatay,sidoo kalena madaxda Galmudug ay si dhab ah dadka u heshisiin doonaan.