Home Wararka Maanta Duulimadyada dalka Oo Maanta Dib loo furayo

Duulimadyada dalka Oo Maanta Dib loo furayo

Maalma ka hor Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Saalad (Oomaar) waxaa uu ku dhawaaqay in 5-ta Bishaan oo Maanta ku beegan dib loo furayo duulimaadyada Gudaha dalka oo loo joojiyey sabao la xiriira ka hortagga Cudurka Coronavirus.

Hayeeshee waxaa la filayaa in Maanta oo Axad ah uu Guud ahaan ka Dhaqan galo G’aankaas, iyada oo la xadiday duulimaadyada Gudaha dalka ee la fasaxay sababo la xiriira ka hortagga ay dowladda Soomalaiya weli ugu jirto ka hortagga COVID-19

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Saalad (Oomaar) ayaa sheegay in Maalin kasta loo qorsheeyay hal duulimaad oo gudaha dalka ah si taxadarka loo badiyo sidoo kalena dhawaan dib loo furi doono duulimaadyada Caalamiga ah.