Somaliland Oo Eedeyn ujeedisay Dowlada Dhexe

Dowladda Federaalka Soomaaliya Shalay waxaa ay ay Hawada ka celisay Diyaarad siday qaad badan oo dooneyay inay ku degtao Magaalada Hargeysa taa soo ka timid dalka Kenya,waxaana tallaabadaasi si kulul uga hadlay Soomaaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in arrintaasi ay jirto,isla markaana dowladda Soomaaliya ay ku kacday fal qaldan oo uu sheegay in uu qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda federaalka kula jirto Soomaaliland.

Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in Arrimaha looga hadlay shirkii Jabuuti ay qyeb ka aheyd in hawada Soomaaliya la wada maamulo,isla markaana tallaabada ay shalay qaaday Dowladda Soomaaliya ay dhaawici karaan heshiisyadii ay wada galeen.

“Waxaad moodaa in meeshii laga filyay kalsooni iyo isku soo dhawaansho lana qadariyo heshiisyadii ay horay u wada galeen ee ahaa in la wada maamulo hawada Soomaaliya ay meesha ka baxeyso,waxaana dowladda aysan ixtiraameyn wixii lagu hehsiiyay oo kalsooni keeni kara yuu yiri” Wasiir Faratoon.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada weli kama hadlin tallaabada ay ku joojisay diyaaradaas,hayeeshee ay xusid mudan tahay in weli dowladda aysan furin duulimaadyada Caalamiga ah balse Maanta ay balantu aheyd in la furo.