Maleeshiyaad lawareegay Xarun Ciidan

Wararka warbaahintu ka heleyso degmada Xarfo oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta maleeshiyaad hubeysan ay xoog kula wareegeen Xarunta uu ku Shaqeynayay Maamulka degmadaas.

Maleeshiyaadkaan oo la sheegay inay kamid yihiin dadka ku nool degmada Xarfo ayaa waxaa ay ka cabanayaan in aysan Madaxda Puntland fulin balan-qaadyo ay horey ugu sameeyay & Xaquuq ka maqan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Puntland oo ka baxay Gaalkacyo ay ku wajahan yihiin degmada Xarfo,kuwaas oo lagu amray inay si awood ah maleeshiyaadka uga saaraan Xarunta degmada hadii ay ka bixi waayaan.

Dhowr jeer oo hore ayay sidaan oo kale deegaannada Puntland uga dhacday in Xarmo maamul lala wareegao,waxaana horay ay maleeshiyaad hubeyan ay sanad ka hor ula wareegeen Kontoroolka kastamka ah ee degmada Xarfo.