Cumar finish oo fariin udiray Shacabka Somaaliyed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in Amniga Guud ee dalka uu yahay mas’uuliyad wadareed looga baahan yahay qof walba oo Soomaali ah.

Duqa Muqdisho oo hadal ka jeedinayay kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa waxaa uu sheegay in Kaaraan ay tahay degmo baaxad weyn, hayeeshee Shaqsiyaad dano gaar ah leh ay lidi ku yihiin Amniga degmadaas.

Waxaa uu sheegay si looga gudbo amni darrada kajirta degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir in Bulshada la yimaadaan aragti lagu sugi karo amniga iyo inay siwadajir ah uga qeyb qaataan ka hortagga Amni darrada ka geysanaya degmada Kaaraan.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa uu daba socdaa, kadib markii Amni darro baahsan ay ka dhacday degmada Kaaraan, isla markaana dadka Shacabka ah ay cabasho u soo gudbiyeen Maamulka Gobolka Banaadir.