Madaxweyne Qoor Qoor Oo lakulmay Mas’uuliyiin Mucarad ah

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Muqdisho kula kulmay Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Arimaha Guddaha Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye kana mid ahaa Musharixiintii Galmudug ee kasoo horjeeday doorashadii Qoor Qoor.

Cabdulalahi Faarax Wehliye Madaxwaynaha ugu hambalyeeyay howlaha uu qabtay isagoo u muujiyay garab taagnaan iyo in uu ka mid yahay siyaasiyiinta la shaqeynaya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa horay ula kulmay musharixiintii iyo Siyaasiyiintii kasoo horjeeday doorashadiisii, kuwaas oo qaarkood xilal looga dhiibay Maamulka Galmudug.