Madaxweyne Farmaajo Oo lagu Soo dhoweeyay dhuusamreeb

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug oo uu galabta gaaray.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Shir ku saabsan doorashooyinka uu uga furmo Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa ah wajiga Saddexaad ee shir wadatashi ah oo ka dhacay isla Dhuusamareeb ayna yeesheen madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Madaxweyne Farmaajo.