Wasiirka Amniga galmudug Oo dhagax dhig Sameeyay

Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Md. Axmed M. FIQI iyo taliyaha ciidanka Booliska Galmduug ayaa booqasho saakay ku tagay saldhigga caasimadda Dhusamareeb ayagoo u kuurgalay habsami u socodka hawlaha ciidamada Booliska.

Wasiirka iyo taliyaha ayaa dhagax dhigay xabsi qaab iskutashi ah looga hirgalinayo saldhigga caasimadda dhexdiisa, kaasoo ay dhismihiisa gacan ka geysan doonaan bulshada caasimadda, ciidamada Booliska, wasaaradda amniga iyo Qurbajoogta reer Galmudug.

Dawladda Galmudug ayaa siyaasad ahaan u qaadatay in saldhig walba laga hirgaliyo xabsi lagu xiro kuwa danbiyada geysta iyo kuwa danbiyada kala duwan loo xukumo.

Wasiirka ayaa jaaliyadaha reer Galmudug iyo dadka caasimadda ugu baaqay In gacan ay ka geystaan dhismaha xabsigaas muhiimka u ah amniga iyo kala danbaynta Galmudug.