Muwaadin Somaaliyed Oo lagu dilay koofur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay muwadin Soomaaliyeed ku dileen Gudaha dalkaas, kaas oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay halkaas, halka Goobo ganacsi oo Soomaali leeyihiin ay weerareen.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa Kooxda Burcadda ah waxaa ay ku dileen Dukaankiisa oo ku yaalla Deegaanka Delft oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ka hor dilak muwaadinka Soomaaliyeed iyo KooxdaBurcadda ah uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, isla markaana ay sidaasi ku dileen.

Sidoo kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxda Burcadda ah ay weerareen dhowr dukaan oo Soomaali leedahay kuna yaalla Deegaanka Delft oo ka tirsan Magaalada Cape Town, iyaga oo ka qaatay agab kala duwan.