Qaar kamid ah madaxda Maamul goboledyada Oo kau shiray Muqdisho

Madaxweynahaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa xalay martigaliyay kulamo gaar ah oo Muqdisho ku dhexmaray Madaxda maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Kulamaddan ayaa waxaa looga hadlaayay xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo Shirka maanta lagu waddo in uu Muqdisho ka furmo ee looga hadlaayo arimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa hoyga Muqdisho uu ka degan yahay kulan kula qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa kulamadaan inta badan diirada lagu saaray arimaha doorashooyinka iyo sidoo kale sidii Mowqif Mideysan looga qaadan lahaa doorashada 2020 ilaa 2021-ka.