Qarax ka dhacay iran

Hal ruux ayaa geeriyooday 10 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib qarax ka dhacay meel ku dhow Caasimadda Iran ee Tehran, sida saraakiisha Booliska ay sheegeen.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Mid xooggan.

Lama oga waxa sababay qaraxa, balse baaritaan ayaa socda, waxaana qaraxa uu ka dhacay dukaan ku yaala wadada Towxid ee Koofurta Nasimshahr.

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ka mid ah meelaha sidda weyn loo ilaaliyo oo ay ka agdhow dahay xarun ay yihiin booliska Iran.

Gaadiid iyo dhismayaal kale ayaa ku burburay dabka ka dhashay qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Tehran