Ciidamada Dowlada Oo howlgalo ka fuliyay Jubbada hoose

Saraakiisha Ciidamada DANAB ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose Hoose ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixiyeen howlgal ay siwadajir ah u fuliyeen Ciida
mada Kumandoosta DANAB iyo kuwa Jubbaland, kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaannada, Dhisheeg waamo,Maroodi gubow iyo Dhaay unbow,waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidanka DANAB ay sheegeen in howlgalkaas lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Guutadda 16 ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab,sidoo kale ay burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland ay ka wadeen holwgallo kala duwan, hayeeshee mararka qaar ay weeraro kala kulmayeen Al-Shabaab.