Duqa Muqdisho Oo lakulmay Urrurada Bulshada Rayidka

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa Hoygiisa ku qaabilay Hogaanka Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cumar & Hoggaanka Bulshada Rayidka ayaa ka wada hadlay in door weynka ay ka qaataan Doorshada Dalka ka dhaceysa iyo In kaalintooda Ururada Bulsho ay Wadankaan ku samata Bixiyaan

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Tahliil Shaatax ayaa Duqa Magaalada u Mahad celiyay ,isaga oo ku booriyay In Guddoomiye Cumar Filish uu sii labo Jibaaro Dadaalada Hormarineed Ee Caasimada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Bulshada rayidka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada wada-hadallada la xiriira arrimaha doorashada, isla markaana kulanka Duqa Muqdisho uu daba socdo dadaalada ay wadaan ee ku aadan arrimaha doorashada.

Urrurada Bulshada Rayidka ayaa horay waxaa ay ula kulmeen Madaxweyne farmaajo, qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada siyaasadeed iyo saamileyda dalka, iyaga oo kala hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya.