Faah Faahin Dagaal dhex-maray Ciidamada AMISOM & Al-Shabaab

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM waxaa uu ku dhex-maray degaanka Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xalay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee Xaafada Arbacow, waxaana dadka halkaasi ku nool ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen.

Khasaaro kala duwan ayaa jira sida daka degaanka ay sheegeen, kuwaas oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, hayeeshee xilliga dagaalka uu dhacayay ay aheyd habeen dadka badi ay wada jiifeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno Xaafada Arbacow ee degaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay degan ,balse waxaa xusid mudan in dhowr jeer ay Al-Shabaab weerareen Xerada Ciidamada AMISOM ee Arbacow.